Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada milatariga Somalia oo lagu eedeeyey kufsi ka dhacay Janaale

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose, Xasan Macallin Cumar ayaa ciidamada milatariga Soomaaliya ku eedeeyey kufsi dhowaan ka dhacay deegaanka Janaale ee gobolkaasi.

Xasan Macalin oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in askar ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay Jannaale kufsi ugu geysteen gabar yar oo 13-sano jir ah iyo haweeney Xaamilo ah, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale guddoomiyihii hore ee Marka ayaa carabka ku dhufay in haatan xaaladda caafimaad ee gabadha yar ay aad u liidato, islamarkaana loo geystay kufsi ba’an.

Mr Xasan Macalin Cumar ayaa intaasi ku daray in haweeneyda xaamilada ah ciidamadu ay kala dageen gaari ay la socotay, kadibna ay kula dhaqaaqeen kufsi fool xun.

Eedeynta loo jeediyey ciidamada dowladda ee qabtay Janaale ayaa ku soo aadeysa, xilli maalmihii dambe dhibaatooyin laga soo warinayey deegaankaasi.

Dhowaan ayey sidoo kale aheyd markii kufsi arxan darro ahaa gabdho da’yar ah loogu geystay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this