Deeq A. Posted April 13, 2020 Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa iskaraantiilay sababo la xariiro caabuqa Coronavirus oo kiis ka mid wasiiru dowle ka tirsanaa Hirshabeelle ugu geeriyooday Muqdisho oo lagu baxnaaninayey xaaladiisa. Madaxweynaha oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in hadda xaaladiisa ay fiican tahay lakiin uu doortay in si shaqsi ah uu si karaantiilo asbuucii la soo dhaafay waxaana uu xusay in ay tahay taxadar. Karaantiilka uu is geliyey madaxwenaha ayaa ku soo aadayo iyadoo wasiiru dowlihii cadaaladda dowlad goboleedka Hirshabeelle Khaliif Muumin Tooxoow uu u geeriyooday caabuqa COVID-19. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites