Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne DENI oo ka digay in ciidanka Xoogga dalka loo adeegsado dano siyaasadeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntand, Siciid Cabdullaahi (Deni) oo xalay warbaahinta ugu warramay magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dhismaha ciidamada Xoogga dalka.

Deni ayaa marka hore ka digay in la siyaasadeeyo dib u dhiska ciidamada qalabka sida Soomaaliya, iyadoo loo adeegsanayo dano gaar ah ama kuwa kooxeed.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in looga baahan yahay ciidamada Qaranka Soomaaliyeed in ay la yimaadaan hanaan shacabka Soomaaliyeed u qalma, sida uu hadalka u dhigay.

“Waan ka digeynaa in ciidamadda qaranka la siyaasadeeyo, la qabiileeyo, la kooxeeyo, dano gaar ah lagu fushado, waan u rajeyneynaa saraakiisha hogaamisa ciidamadu in ay sifadaas ku sifoobaan, oo a ku yimaadaan hanaan shacabka Soomaaliyeed u qalma” ayuu yiri madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Siciid Deni.

Ugu dambeyn wuxuu qiray in ciidamadu ay ku soo shaqeeyeen daruufu adag, islamarkaana ay soo  muujiyeen dhabar adeeg mudan in lagu xormeeyo, laguna taageero.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay ay ku beegneyd 60-sanad guuradii ka soo wareegtay aas-aaska ciidamada Xoogga dalka oo ka kooban ciidanka Dhulka, ciidanka Cirka iyo ciidanka Badda, walow aan la xusin maalintaan, sababo la xariira Coronavirus.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this