Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo shaacisay kiisas hor leh oo Coronavirus ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa goordhoweyd shaacisay in deegaanadeeda laga helay dad hor leh oo qaba cudurka dunida ku faafay ee Coronavirus ama Covid-19.

Somaliland ayaa xaqiijisay in maanta laga helay saddex qof cudurkaasi, kuwaasi oo ku kala nool magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama.

Xukuumada ayaa sheegtay in labo kiis ay yihiin caasimada magaalada Hargeysa, halka midka kalena uu yahay magaalada Boorama ee gobolka Awdal.

Tirada kiisaska cudurkaasi ee Somaliland ayaa noqoneysa 5-Kiis, xilli tirada guud ee dalkuna ay noqoneysa 28-Kiis, midaasi oo cadeyn u ah xawliga uu gudaha dalka ugu dhex faafayo cudurkaasi.

Somaliland ayaa muddooyinkii dambe aad looga cabsi qabay in cudurku si weyn u dhex-qaado, maadama hore looga helay magaalooyinka Berbera iyo Burco, oo ay xukuumaduna ay soo saarin awaamiir adag oo lagu xakameynayo dhaq-dhaqaaqa dadka.

Cudurka Coronavirus ayaa u muuqda mid halistiisu ay ka taagan tahay gudaha Soomaaliya, xili ay magaalada Muqdisho ugu geeriyoodeen Labo ruux, oo midkood ahaa Mas’uul ka tirsan maamulka Hir-Shabelle.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this