Sign in to follow this  
Deeq A.

OCHA oo warbixin ka soo saartay xaaladda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Warbixin uu soo saaray xafiiska isku xirka arrimaha bani’aadanimada Qaramada Midoobay ee OCHA ayaa looga hadlay saameynta cudurka faafa ee Coronavirus uu ku yeeshay Soomaaliya iyo dadaalada lagu xakameunayo cudurkaan ee ka socda dalka.

OCHA ayaa sheegtay in 16-kii bishii la soo dhaafay Soomaaliya ay xaqiijisay kiiskii 1-aad ee COVID-19, tan iyo markaasina kiisaska la helay ay kor u dhaafayaan 20 ruux.

Sidoo kale warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ay xaqiijisay kiisas laga helay dad aan dalka ka bixin, taasoo muujineysa in cudurka uu bulshada ku dhex faafayo, arintaasina ay ka walaacsan yihiin hay’adaha samafalka iyo Qaramada Midoobay, maadaama ay yar tahay awooda looga hortagi karo.

Si kastaba ha’ahaatee xafiiska isku xirka arrimaha ban’aadanimada QM ee OCHA ayaa ka digay inuu sii faafo cudurka Coronavirus, kaas oo saameyn kara awoodda hay’adaha samafalka ay uga jawaabi karaan xaaladaha dhanka bani’aadanimo ee Soomaaliya.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this