Deeq A. Posted April 13, 2020 (SLT-Tel Aviva)-Madaxweynaha Israa’iil ayaa diiday codsi uga yimid afhayeenka baarlamaanka Benny Gantz, uu ku doonayay wakhti dheeri ah si xukuumad wadaag uu ula soo dhiso ra’isul wasaare Benjamin Netanyahu. Mr Gantz oo ka tirsanaa saraakiisha sare ee millatariga ayaa afar todobaad ka hor madaxweyne Reuven Rivlin wuxuu siiyay fursad uu ku dhiso xukuumad wadaag ah kadib doorashadii 2-dii bishii march ka dhacday Israa’iil. Natiijada ayaa keentay in xisbiga Netanyahu uu ku guull-dareestay in uu helo awood uu ku soo dhisi karo xukuumada Xigta. Waa markii saddexaad muddo sannad gudaheed ah Israa’iil ay ka dhacdo doorasho aan wali lagu kala bixin. Xisbiga haya tallada ee Netanyahu ayaa bishii hore si lama filaan ah doorashadii afhayeenka aqalka baarlamaanka ugu coddeeyay Gantz, si ay u yaraato caqabada ka heysata dhankiisa. Gants iyo Netenyahu oo kala hoggaamiya labada xisbi ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay lahaa wadahadal, walow aan natiijo midha dhal ah laga gaadhin. Source Share this post Link to post Share on other sites