Deeq A. Posted April 13, 2020 Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare uu ka mid yahay dadkii la kulmay wasiiru dowlihii wassaaradda cadaaladda maamulkaasi, Xildhibaan Khaliif Muumin oo shalay u geeriyooday COVID-19. Qoraal uu Madaxweyne Waare soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa wuxuu ku sheegay inuu is-karantiilay muddo todobaad ah. “Ilaaheey uunbaan xanuunsan. Balse OK ayaan ahay. Toddobaadkii tegay ayaan doortay inaan is karantiilo ayada oo ay iga tahay taxaddar iyo inaan tusaale u noqdo dadkayga. Waan sii wadi doonaa inaan sidaas sameeyo si la mid ah dadka.” ayuu yiri Waare. Dhinaca kale wasiiru dowlaha wasaaradda caafimaadka HirShabelle, Muumin Mukhtaar Macalin oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in lagu daba jiro mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi iyo dad kale oo la kulmay xildhibaankii u geeriyooday COVID-19. Muumin ayaa tilmaamay in la karantiili doono shaqsiyaadkaasi muddo laba todobaad ah, si loola socdo xaaladooda caafimaad. Soomaaliya oo cabsi badan ka qabta faafitaanka Coronavirus ayaa illaa iyo hadda tirada dadka laga helay cudurka waxay mareysaa 25 qof, kuwaas oo karantiil ku jira. View the full article Share this post Link to post Share on other sites