Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo shaacisay Natiijada baaritaan lagu sameeyay qof looga shakiyay Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga dowladda Puntland u qaabilsan ka hortagga iyo wacyi-gelinta cudurka Coronavirus ayaa xalay shaaciyay Natiijada ka soo baxday baaritaan lagu sameeyay qof looga shakiyay xanuunka COVID-19.

Qoraal uu soo saaray guddiga ayaa lagu sheegay in Natiijada ka soo baxday baaritaankii qofka looga shakiyay cudurka Coronavirus uu xaqiijiyay in uu ka caafimaad qabo xanuunkaas.

Guddiga ayaa tilmaamay in qofkaas laga shakiyay horay loo karantiilay 2-dii bishan April 2020 islamarkaana baaritaankii lagu sameeyay oo haatan jawaabtiisu soo baxday uu caddeeyay in uusan cudurka qabin.

Sidoo kale guddiga ayaa dhammaan dadweynaha Puntlan ku dhiirri-geliyay in taxaddar dheeriya muujiyaan oo raacaan talooyinka caafimaad ee guddiga si looga feejignaado faafidda xanuunka COVID-19.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo shaacisay Natiijada baaritaan lagu sameeyay qof looga shakiyay Coronavirus appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this