Deeq A. Posted April 13, 2020 Madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa xalay si rasmi ah xilka ugu wareejiyay madaxweynaha Cusub ee maamulkaas, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor. Munaasabad kooban oo xalay ka dhacday magaalada Dhuusamareeb, ayuu Ex. Madaxweyne Xaaf xilka ku wareejiyay madaxweynaha cusub Mr Qoor Qoor, waxaana munaasabadda ka qayb-galay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, xildhibaannada Galmudug, siyaasiyiin iyo marti sharaf kala duwan. Munaasabadda xilka wareejinta, ayaa intii ay socotay waxaa laga jeediyay Khudbado looga hadlay arrimaha ku wajahan siyaasada Galmudug iyo isku tanaasulka la sameeyay. Ex. Madaxweyne Xaaf ayaa isagu dhawaan shaaciyay in uu u tanaasulay danta iyo dhismaha Galmudug, isla markaana uu ka shaqeyn doono dib u heshiisiinta maamulkaas, uuna garab-siin doono madaxweynaha cusub. PUNTLAND POST The post Xaaf oo si rasmiya xilka ugu wareejiyay Qoor Qoor appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites