Sign in to follow this  
Deeq A.

HirShabelle oo wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ka dalbatay agab caafimaad

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – La-taliyaha Qaybta Warbaahinta ee Madaxweynaha Hirshabelle, Xasan Cabdulqaadir Muudey ayaa Wasaaradda Caafimaadka ugu yeeray in ka Hirshabelle ahaan la soo gaarsiiyo qalabka lagu ogaado xanuunkan.

“Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Dhexe waxaan la wadaagaynaa in ay Hirshabelle State ahaan nasiiso agabyadii, dawooyinka iyo shaybaarka lagu ogaado xanuunka Caronavirus,” ayuu yiri La taliyaha Madaxweynaha Hirshabelle.

Sidoo kale waxaa uu sheegay sida agabyadaasi loo gaarsiiyay Maamul Goboleedyada qaarkood, in si lamid ah loo soo gaarsiiyo Maamulka Hirshabele.

“Agabyada la gaarsiiyay qaar ka mida Dowlad Goboleedyada Dalka ka dhisan, sidaasi si lamid ah waa in si deg deg ah loo soo gaarsiiyaa Hirshabelle State.” Ayuu yiri Xasan Cabdulqaadir Muudey.

Muudey oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa ugu yeeray Wasiirada iyo Xildhibaanada ku metela Dowladda Federaalka in ay dadaal iyo juhdiba ku bixiyan, sidii ay Wasaaradda Caafimaadka qalabkaasi ku keeni laheyd Xarunta Maamulka Hirshabelle ee Magaalada Jowhar.

“Iyadoo laga duulayo xaaladda adag ee ka dhalatay xanuunkan waxaan ugu baaqaynaa xubnaha nagu metela Goleyaasha Sharci-dejinta iyo Fulinta, inay si dhow uga shaqeeyaan, sidii Caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabelle lagu soo gaarsiin lahaa agabyadaasi,” ayuu sii raaciyay.

Dadka reer Hirshabelle ayaa hadalhaya Wasiiru Dowlihii Cadaaladda Hirshabelle, oo Axadii Coronavirus ugu geeriyooday Isbitaalka Martini ee Magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this