Sign in to follow this  
Deeq A.

‘Isbitaal Martiini qalab iyo dawo kuma soo arag, Khaliif wuxuu dhintay daryeel la’aan’

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Xuseen Maxamed Gaagaale, oo ka tirsanaa baarlamanka hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in uusan wax qalab ah iyo daawo midna oolin Isbitaalka Martiina islamarkaana wasiiru-dowlihii cadaalada ee HirShabelle Xildhibaan Khaliif Muumin u dhintay daryeel la’aan.

Xildhibaan Gaagaale, ayaa sheegay in Isbitaalka ay ka waayeen qalabka Oxygen-ka iyo daawo gabi-ahaanba, waxayna dhaqaatiirta ku wargeliyeen in dibadda ka soo gato daawo iyo in uu dibadda ka raadsado caafimaada, sida uu hadalka u dhigay.

“Isbitaalka ma yaalaan wax daawo ah, sidoo kale ma heleysid dhaqtar qofka dura markaa daawo keensato, Oxygen dhan hal xabo ayaa ka yaallo mana yaqaanaan dhaqaatiirta waxaana ku qasbanaaday inaa Isbitaalo kale ka keeno dhaqaatiir ku xirta markii ay baxeena waan waayay cid markale ku xirta,” ayuu yiri Xildhibaan Gaagaale, oo la hadlay idaacadda Kulmiye ee Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa sheegay in saraakiisha Isbitaalka Martiina iyo kuwa Wasaaradda Caafimaadka Somalia ay u sheegeen in aysan laheyn awood haba-yaratee oo ay wax ugu qabtaan bukaanada Isbitaalka ku karantiilan.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in dhaqaatiirta Isbitaalka ay diideen daryeelka bukaanada jiifa iyagoo iska dhowraya qatar kaga imaan karta cudurkaan iyo la xisaabtan la’aan halkaasi ka jirta.

Wasiiru-dowlihii Cadaaladda ee Maamulka HirShabelle ayaa shalay ku geeriyooday Muqdisho waxayna wararku sheegayaan in loo waayay qalabka karantiilka iyo daawo waxaana hada dhibaatadan oo kale wajahaya dad kale oo ku jira Isbitaalka Martiini.

Caasimada Online waxay la xiriirtay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, balse way diiday inay ka jawaabto arrintan.

Hoos ka dhageyso codka Gaagaale

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/04/Codka-Gaagaale.mp3

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this