Sign in to follow this  
Deeq A.

Imaamka Mudulood oo ku dhowaaqay go’aan la xiriira shirweynihii MUDULOOD

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Imaamka beelaha Mudulood, Imaam Maxamed Yuusuf ayaa shaaciyey in dib loo dhigay shirweynihii beesha, kaas oo lagu waday in maalmaha nasoo aadan uu ka furmo magaalada Muqdisho.

Imaam Maxamed ayaa sheegay in dib u dhaca shirka ay keentay khatarta caalamku ka mideysanyahay ee xanuunka Coronavirus, isla markaana shirweynahaas la qaban doono 23-ka bisha Soonfur oo ku beegan 13-ka bisha June ee sanadkan.

“Maadaama aan guddoomiyihiisa ahay shirkaana aan horay ula soo wareegay, waxaan ka dhignay waqtiga la qabanayo shirka bisha Soonfur 23-keeda, hadii uusan cudur jirin oo dalku nabad yahay, markaas ayaan dooneynaa in la qabto shirweynaha beesha, markaas oo aan u aragnay in dal iyo dibad la iskaga imaan karo. Kadib markii aan la tashi ka sameynay arrintan aniga iyo duubabka beesha Mudulood” ayuu yiri Imaam Maxamed Yuusuf.

Imaam Maxamed ayaa Alle uga baryey in cudurkan uu ka dulqaado mudaha muslimiinta, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed oo uu ka dalbaday in ay diintooda u dhowaadaan oo ay Alle ka cabsi la yimaadaan.

Sidoo kale cod dheer ayuu Imaamku uga dalbaday beelaha Soomaaliyeed ee ku dagaalamaya qaar la mid ah gobollada dalka in ay joojiyaan colaadaha, waxuuna ugu baaqay in ay ka faa’iideystaan fadliga bisha barakeysan ee Ramadaan oo nagu soo fool leh.

“Talooyinka caafimaadka hala qaato, oo qof kasta meeshiisa ha ku ekaado, in kastoo dadkeenu xoogsato wada yahay, hadana waxaan idin leeyahay hala isku gargaaro Soon-qaad ayaa yimid, dadka fuqarada ah hoos haloo fiirsho. Waxaan ahay adoogiin dadka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in Kitaabka iyo Sunnada ay ku dhegaan, Ilaahey idankiis wax naga halaabaya ma jiri doonaan”ayuu yiri Iimaamka beelaha Mudulood, Imaam Maxamed Yuusuf.

Dhamaadkii bishii Febraayo ee sanadkan ayaa shirweyne ay isugu yimaadeen waxgaradka, siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada beesha Mudulood, waxa ay isku raaceen in la qabto shirweyne guud oo ay beeshu isugu timaado, kaas oo la iclaamiyey in uu qabsoomo bishan, balse hadda dib loo dhigay, illaa bartamaha bisha June ee sanadkan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this