Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Munaasabad uu xilka kula wareegay Qoor Qoor oo caawa ka dhacday Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Munaasabad uu xilka kula wareegay Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa caawa ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Munaasabadaas ayaa waxaa kasoo qeyb galay Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo caawa xilkii wareejiyey, Madaxweyne ku xegeenka Galmudug, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka, xildhibaanada Galmudug, odayaasha dhaqanka, siyaasiyiin iyo xubno ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynihii hore ee maamulka Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xilkii ku wareejiyey Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, waxayna munaasabadda xil wareejintu ka dhacday xarunta Shiirkole ee magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweyne Xaaf ayaa maalmo ka hor Dhuusamareeb ka sheegay in uu u tanaasulay midnimada Galmudug, kadib khilaaf xoog leh oo ka dhashay qaban qaabada doorashadii Dhusamareeb ka dhacday ee uu kusoo baxay Madaxweynaha haatan Qoor Qoor, halka Xaaf-na maamul kale uu uga dhawaaqay magaalada Gaalkacyo, kaas oo sida muuqata uu ka tanaasulay.

Qabsoomidda munaasabadan xil wareejinta ah ayaa kusoo aadeysa, iyadoo dib loo dhigay munaasabadii lagu caleema saari lahaa madaxweynaha cusub Qoor Qoor.

Sababta dib loogu dhigay munaasabada caleema saarka ayaa la xariirta cabsida cudurka Coronavirus, lamana shaacin waqtiga rasmiga ah ee la qaban doono.

92812377_524605175090839_625196563543411 92997719_524605218424168_584002575288762 93110499_524605258424164_119163508138757 92527825_524605321757491_828947200296039xaaf.jpgGalmudug-1.jpgXaaf-iyo-Qoor-Qoor.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this