Sign in to follow this  
Deeq A.

Go’aano laga soo saarey colaaddii Wanlaweyn

Recommended Posts

Deeq A.   

Wanlaweyn (SMN) – Guddiga dowladda iyo maamulka Koonfur Galbeed u saareen xalinta colaada degmadda Wanlaweyn ayaa soo saarey go’aano.

Maxamed Cabduqaadir Maxamed, ku xigeenka xeer-ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada, ayaa go’aanka u akhriyey warbaahinta maxaliga ah.

Go’aanada waxaa qeyb ka ahaa in baaritaan lagu sameeyay gudoomiyaha degmada Wanlaweyn, Maxamed Siidow oo la sheegay in la xiray.

Sidoo kale, waxaa la sheegay in dacwad lagu soo oogi doono Xildhibaano la sheegay in ay ka qeyb-qaateen colaad beeleedyadda.

Mudaneyaasha ayaa magacyadooda lagu kala sheegay;Aadan kala-dire, oo ka tirsan baarlamaanka HirShabelle iyo Mayow Yuusuf Xasan, oo ka tirsan baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, waxaa kamid ah; Maxamed Taraafiko oo ka tirsanaa Golaha Wakiilada maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Guddiga ayaa ku booriyey in ay cadaalada hor-yimaadaan Salaad Tifow, abaanduulaha guutada 7aad iyo Cabdinuunow Af-wayne, oo la tilmaamay in ay ka qeyb-qaateen dagaal beeleedyaddii dhacay.

Dagaaladii ka dhacay Wanlaweyn ayaa galaaftay nolosha in ka badan 20 qof oo badankooda ah shacab, waxaa sidoo kale ka dhashay barakac weyn.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this