Sign in to follow this  
Deeq A.

Hirshabeelle oo Tababar u Furtay Howlwadeenno Caafimaad

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka Bulshada ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Maanta xubno dhaqaatiir ah tababar ku saabsan wacyigelinta cudurka Coronavirus ugu qabatay Magaalada Jowhar.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Hirshabeelle, Muxyidiin Mukhtaar Macallin ayaa kula dar daarmay ka qayb galayaasha tababarka inay casharrada si fiican u qaataan, kuna dedaalaan sidii ay Bulshada u gaarsiin lahaayeen wacyigelinta looga hortagayo cudurka COVID-19.

Ka dib tababarka ayaa la filayaa in ay Wasaaradda caafimaadka Hirshabeelle kooxo baahiya farriimaha ka hortagga Covid-19 u kala dirto degaannada fog-fog ee  hoos yimaada Hrshabeelle ee  aysan wacyi-gelintu gaarin.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this