Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uuliyiinta HirShabelle oo is karantiilay iyo xaalad cabsi ah oo ka taagan Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle ayaa sheegaya in xaalad walaac ah ay ka taagan gudaha magaalada, taas oo ku saabsan qatarta cudurka COVID-19 oo gaaray Jowhar.

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii cudurkaan laga helay wasiiru dowlaha wasaaradda cadaaladda ee maamulka HirShabelle Khaliif Muumin Tooxow, oo maanta Muqdisho ku geeriyooday, waxaa isa soo taraya mas’uuliyiinta is karantiishay iyagoo ka cabsi qaba in cudurka uu gaaray.

Madaxda ugu sareysa maamulkaas, wasiirada iyo xubno ka tirsan baarlamaanka ayaa is karantiilay kadib markii ay xaqiijiyeen in ay la kulmeen wasiirkii xanuunka laga helay ee maanta geeriyooday.

Allaha u naxariistee, Khaliif Muumin Tooxow ayaa cudurka kusoo qaaday magaalada Jowhar, taasi oo ah cabsiga ugu xooggan ee jirta.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Sheekh Cismaan Bare Maxamed ayaa xaqiijiyey in HirShabelle uu ka jiro walaac badan oo ku aadan Xanuunka Covid-19, kaas oo ku faafaya deegaanada Maamulkaasi sida uu hadalka u dhagay.

Gudoomiye Barre ayaa shaaca ka qaaday in masuulka maanta geeriyooday uu si caadiya kulamo ula soo qaatay Golayaasha fulinta iyo Sharcidajinta Dowlad-goboleedka Shirshabeelle.

Waxa uu sheegay in maalmo ku xanuunsanaayay deegaanada Maamulka Hirshabeelle islamarkaana bulshada uu si caadi ah ula macaamilaayay wax shakiya aan laga qabin intii uu ku sugnaa degmada Jowhar ee caasimada Maamulka Hirshabeelle.

Sidoo kale qaar ka mid ah dadkii la kulmay Khaliif ayaa sheegay in ay isku arkeen xanuun iyo qandho badan, sidaas darteedna ay go’aansadeen in ay is karantiilaan, inkasta oo aan la ogeyn inay cudurka qabaan iyo in kale, maadaama aan laga baarin.

Wasiiru dowlahii cadaaladda ee HirShabelle ayaa ka hor inta aan cudurkaan laga helin waxa uu maalmo badan la kulmay Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha baarlamanka, xilkdhibaano iyo wasiiro kale.

Sidoo kale waxa uu ka qeybgalay kulanka Golaha wasiirada iyo kulankii baarlamaanka ee lagu ansixiyay miisaaniyadda HirShabeele ee 2020-ka.

Sidoo kale wasiirka geeriyooday ayaa xanuuno dareemayay tan iyo dhamaadka bishii hore, xanuunkaas oo markii ugu dambeeyay sababay inuu wasiirka shaqada sii wadi waayo.

Xaalad cabsi ah ayaa ka taagan Jowhar oo ah magaalo ka xiran cirka iyo dhulka. Al-Shabaab ayaa hore masuuliyiinta iyo ciidamada ka joojiyay isticmaalka wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar, halka duulimaadyadiina ay joojisay dowladda Soomaaliya dalka oo dhan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this