Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in hal arrin ay walaac ku hayso

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta sheegay inuu ka walaacsan yahay sida shacabka Soomaaliyeed aysan wali ugu baraarugsanayn halista faafidda cudurka COVID-19.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay kulan talo-wadaag ah oo ku saabsan xaaladda caafimaad, dhaqaale iyo bulsho ee dalka, kaasi oo uu la qaatay culimo, dhakhaatiir, ganacsato iyo madaxda hay’adaha dowladda ee qaabilsan caafimaadka, wacyigelinta iyo dhaqaalaha.

Madaxweynaha ayaa warbixino ku saabsan saameynta cudurkan safmarka ah uu ku leeyahay nolasha dadkeenna ka dhageystay Wasiirka Caafimaadka Marwo Fowsiya Abiikar Nuur, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Cabdullaahi Cali Xasan iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Sidoo kale, Kulankan ayaa waxaa ka qeyb-galay Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Guddiga Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed iyo Golaha Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ayaa madaxweynuhu waxa uu u soo bandhigay wel-welka ku aaddan

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay masuuliyadda adag ee shacab iyo dowladba ina saaran marxaladdan adag, iyada oo ay lagama maarmaan tahay in aan dadaal, talo iyo tabarba isugu geyno samatabixinta caafimaad iyo nololeed ee dalkeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta iyo xubnahan uu la kulmay in ay xoogga saaraan sidii la isu waafajin lahaa ilaalinta badqabka caafimaad ee shacabka iyo fududeynta culeysyada nololeed iyo dhaqaale ee ka dhalanaya dadaallada xakameynta cudurkan halista ah.

Farmaajo.jpeg IB0A2331.jpeg IB0A2325.jpeg Farmaajo-2.jpeg IB0A2239.jpeg IB0A2215.jpeg IB0A2242.jpeg IB0A2218.jpeg IB0A2216.jpeg IB0A2233.jpeg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this