Deeq A. Posted April 12, 2020 Dowladda Libya ayaa shaacisay in 236 ruux oo muhaajiriin ay Soomaali ku jiraan ay dib ugu celin doonto dalalkooda ,kadib safari dhuumaaleysi ah oo ay ku tageen dalkaasi. Bayaan ay soo saartay hay’adda Libya u qaabilsan ka hortagga socdaalka sharci darrada ah ayaa lagu sheegay in dalalkooda dib loogu celin doono muhaajiriintaasi. Sidoo kale hay’adda ayaa sheegtay in muhaajiriinta dalalkooda dib loogu celin doono ay ka soo kala jeedaan wadamada Somalia, Sudan, Chad, Nigeria, Ghana, Mali iyo Itoobiya. Si kastaba ha’ahaatee sanad waliba dalka Libya ayaa marti galiya boqolaal kun oo muhaajiriin ah, kuwaas oo dalkaasi uga sii gudba wadamada kale ee reer Yurub. View the full article Share this post Link to post Share on other sites