Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhaqtar uu Coronavirus kula dhacay Muqdisho oo talo muhiim ah u jeediyey Soomaalida

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr Maxamed Cismaan Maxamed oo loo yaqaano (Nasiim), islamarkaana ka mid ah guddiga Soomaaliya u qaabilsan la tacaalida Covid-19 ayaa ka sheekeeyey, sida uu ugu dhacay xanuunka, kadib markii dhowaan laga helay.

Dr Nasiim oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in xaaladiisa caafimaad ay wanaagsan tahay, wuxuuna tilmaamay inuu cudurka ka qaaday bukaanadii uu la tacaalayey, balse uusan garaneyn sida uu ugu dhacay iyo qofka uu ka qaaday.

”Ma garanayo sida aan ku qaaday xanuunkan iyo qofka aan ka qaaday balse waxaan u maleynayaa iney yihiin dadkii uu haleeyay fayraska ee aan la tacaaleynay.” ayuu yiri Dr Maxamed.

Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay inay aad u adag tahay in qofka uu joogo guriga ama goob gaar ah ‘Way adagtahay fadhiga guriga sababtoo ah qof u bartay inuu subixii kaco oo u shaqa tago lama qabsan karo nolasha guru joogga ah”,

Dhaqtar Nasiim oo hada ka soo kabanaya xanuunka ayaa ugu damveyn fariin u dirtay dadka Soomaaluyeed, wuxuun ugu baaqay inay qaatan talooyinka caafimaadka ee la siinayo.

”Talada ugu horreysa ee aan bulshada siinaya ayaa ah, waa iney raacaan farrimaha iyo wacyigelinta kaga imanaeysa Wasaaraddda Caafimaadka, midda labaad waa iney nadaafadda ku dadaalaan oo markasta gacmaha iska dhaqaan ayna ku dadaalaan iney dadka kala fogaadaan”. ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Dr Dr Maxamed Cismaan.

Xaaladda cudurka Coronavirus ee Soomaaliya ayaa marba marka ka dambeysa ka sii dareysa, iyadoona haatan tirada dadka laga helay ay kor u dhaafeyso illaa 20 qof oo labo ka mid ah ay xanuunka ugu geeriyoodeen magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this