Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiiru dowlihii Cadaaladda Hirshabeelle oo u geeriyooday Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Alle ha u naxariistee, waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday Wasiiru dowlihii Caddaaladda Hirshabeelle, ahaana xildhibaan ka tirsan maamulkaas Khaliif Mu’min Tooxow.

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa qoraal uu soo saaray ku xaqiijiyay geerida marxuumka, waxaana uu tacsi u diray dhammaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay iyo guud ahaan shacabka Hirshabeelle.

Marxuumka geeriyooday, oo mudda ku xanuunsanayey hotel ku yaalla gudaha magaalada Jowhar, ayaa maalmo ka hor laga helay cudurka Coronavirus, kadib markii baaritaan loo geeyay magaalada Muqdisho.

Wasaaradda Caafimaadka dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa jimcihii la soo dhaafay xaqiijisay in cudurka Coronavirus laga helay 9 qof oo uu kamid yahay marxuumkaas geeriyooday ee Khaliif Mu’min Tooxow.

MarxuumTooxow, wuxuu noqonayaa qofkii labaad ee dalka Soomaliya ugu geeriyooday xanuunka COVID-19, islamarkaana waa mas’uulkii u horreeyay ee Soomaaliya gudaheeda cudurka laga helay haddana u dhintay.

PUNTLAND POST

The post Wasiiru dowlihii Cadaaladda Hirshabeelle oo u geeriyooday Coronavirus appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this