Deeq A. Posted April 12, 2020 Wasiirka arrimaha gudaha ee Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo la hadlayey warbaahinta ayaa ka digay dib u dhac ku yimaada doorashada 2020-2021-ka. Dhabancad ayaa sheegay in dib dhaca uu sababi karo cawaaqib xumo siyaasadeed iyo khilaafaadyo hor leh oo soo kala dhex-gala dowladda dhexe iyo saamileyda siyaasadda. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in si wadajir ah loogu diyaar-garoobo doorashada soo socota, si loo qabto xilligii loo asteeyey. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/zaki-1.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites