Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuska maalinta ciidanka Xoogga oo la baajiyey iyo Madaxweyne Farmaajo oo war ka so saaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Maanta oo ay tahay 12-ka bisha April ayaa ku beegan sanad guurada 60-aad ee aas-aaska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, iyadoona la baajiyey munaasabadda xuska maalintaasi, sababo la xariira Coronavirus.

Sanad weliba maanta oo kale ayey ciidamada Xoogga dalka xusi jireen sanad guurada aas-aaskooda, waxaana ka qeyb-geli jiray madaxda dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Xoogga oo ka kooban ciidanka Dhulka, ciidanka Cirka iyo ciidanka Badda, ayaa waxaa lagu aas-aasan tiro kooban, maadaama waqtigaas ay ku asteesneyd xorriyaddii dalka.

Sababta ugu weyn ee loo qaban waayey xuska ciidanka Xoogga dalka ayaa lagu sheegay amarka lagu joojiyey isu imaatinka bulshada, cabsi laga qabo darteed faafida Corona.

Dhinaca kale madaxweynaha Soomaaliya oo war ka soo soo saaray sanad guurada 60-aad ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Halkaan hoose ka aqriso:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qoysaskooda 60-guurada kasoo wareegtay aasaaskii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ciidan awood iyo tayo leh ay muhiimad weyn u leeyihiin qarannimadeenna iyo dib u soo nooleynta dowladnimada dalkeenna, sidaas darteedna dowladdu ay qaadday tallaabo muuqata oo ku aaddan tirokoobka, xaqsiinta iyo dib u habeynta Ciidamada Qalabka Sida, gaar ahaan Milatariga.

“Ciidanka Xoogga Dalka waa Astaan Qaran oo aan u qeybsamin qolo iyo qabiil toonna, waxa ayna u taagan yihiin oo loo carbiyey difaaca haybadda Qaranimo. Wali ma joogno meeshii aan rabnay, laakiin dowladdu waxa ay dhaqaajisay qorshe mug weyn oo ku aaddan dib-u-dhiska Ciidan Soomaaliyeed oo tayo iyo tiro leh.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo bandhigay guulaha isdaba joogga ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka soo hooyeen dagaalka argagixisada iyo sida naf-hurnimada leh ee ay uga xoreeyeen degaanno badan oo ay ku dhibaateyn jireen dadkeenna.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey sida uu u sarreeyo hamiga iyo niyadda Saraakiisha iyo ciidamada ku sugan furimaha dagaalka oo ay ka go’an tahay in ay dalka ka xoreeyaan argagixisada caadeysatay daadinta dhiigga shacabkeenna birima-geydada ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku ammaanay Saraakiisha Soomaaliyeed ee ruug-caddaaga ah ee ku sugan dugsiyada Tababarka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee gudaha dalka, si ay aqoontooda iyo khibraddooda u dhaxal siiyaan jiilasha sookacaya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle u baryey dhammaan halyeeyadii Ciidanka Xoogga Dalka ee naftooda u huray amniga, nabadda, Qarannimada iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this