Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Puntland oo Amar lagu siiyay in ay dhaqan-geliyaan bandowga Xuduudaha iyo joojinta Qaadka

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga ka hortaga iyo wacyi-gelinta cudurka Coronavirus ee Puntland, ayaa ku amray Laamaha Amniga Puntland in ay hubiyaan dhaqangalka dhammaan Awaamiirtii xukuumadda Puntland soo rogtay si looga hortago faafidda COVID-19.

Guddiga ayaa Laamaha Amniga si gaar ah ugu amray in ay hubiyaan dhaqan-gelinta Awaamiirta ku saabsan isu-socodka xuduudaha iyo soo gelinta Qaadka kuwaasi oo la sheegay in aysan weli si buuxda u dhaqan-gelin.

Go’aanka guddiga ayaa ku soo beegmay xilli wasiirka warfaafinta Puntland uu horay u xaqiijiyay in uusan dhaqan-gelin Amarkii Puntland ku soo rogtay xuduudka dhanka Somaliland islamarkaana weli ay gaadiidka si caadiya isaga socdaan.

Sidoo kale Qaadka ayaa weli si qarsoodiya u soo gela gudaha Puntland kadib markii laga keeno dhinaca dalka Ethiopia isaga oo laga soo daaabulo degmada Gallaadi ee gobolka Doollo ee dowlad degaanka Soomaalida DDS.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Puntland oo Amar lagu siiyay in ay dhaqan-geliyaan bandowga Xuduudaha iyo joojinta Qaadka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this