Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: DF oo mushaharkii ka joojisay shaqaale ka howl-gali jiray madaarka Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) ― Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmiya mushaharkii uga joojisay shaqaale ka howl-gali jiray gegada diyaaradaha magaalada Hargeysa ee Cigaal International Airport, ee ay maamusho xukuumada Muuse Biixi.

Hay’adda duulista hawada Soomaaliya ayaa shaqaalahan ka howl-gali jiray Madaarka Hargeysa uga jaratay mushaharkii sabab ay ku sheegtay ‘dhaqaalo xumo soo food saartay oo ka dhalatay cudurka dunida ku faafay ee Coronavirus’, sida lagu sheegay waraaq loo diray shaqaalahaasi oo nuqul kamid ah uu soo gaaray Caasimada Online.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Shaqaalaha dowladda federaalku ay ka jaratay mushaharka ayaa xili hore laga cayriyay Madaarka Hargeysa, kadib markii ay xukuumada Biixi la xiriireysay dowladda Soomaaliya oo mushahar ka qaadan jireen.

Shaqaalahan ayaa muddooyinkii dambe qaadanayey mushaharkooda, iyaga oo aan wax shaqo ah ka qaban Madaarka Hargeysa, maadama ay xukuumada Biixi ka cayrisay shaqadii ay ka hayeen madaarka, balse ay lacagtooda ka helayeen dowladda federaalka, iyagoo ku sugan gudaha magaalada Hargeysa.

“Maamulka duulista rayidka ah ee Soomaaliya (SCAA) ayaa wajahaya dhibaato dhaqaale oo daran iyadoo dakhliga Muqdisho FIR uu hoos u dhacay cudurka Coronavirus awgii. Tani wax saameyn ah kuma yeelan dakhliga SCAA oo kaliya, laakiin sidoo kale waxa uu meesha ka saaray 75-milyan oo shaqooyin oo xaga duulista iyo dalxiiska ah ee daafaha dunida oo dhan” ayaa lagu yiri Waraaqdaasi oo uu ku saxiixna Agaasimaha Hay’adda Duulimaadyada Soomaaliya, Axmed Macallin Xasan.

Waraaqdaasi ka soo baxday Agaasime Axmed Macalin ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in Hay’addu ay sameysay waxkasta oo suuro-gal ah sidii ay shaqada ugu sii jiri lahaayeen Shaqaalahaasi laga cayriyey madaarka Hargeysa, xili aysan wax shaqo ah ka qaban karin Madaarkaa Hargeysa ee Somaliland.

Shaqaalahan ay dowladdu ka joojisay lacagtii ayaa hore uga mid ahaa Shaqaalihii Hay’adda duulimaadyada hawada ee Qaramada Midoobay (ICAO), ee dowladda Soomaaliya kala soo wareegtay maamulka hawada dalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, shaqaalahan ayaa tiradoodu dhantahay 42-shaqaale oo Madaarka Hargeysa ka kala qaban jiray shan shaqo inta aysan xukuumada Biixi cayrin, kuwaasi oo iskugu jiray; Maamulka macluumaadka hawada, Saadaasha Hawada, Hagidda diyaaradaha, Parking-garaynta diyaaradaha iyo Dab-damiska.

Mushahar joojinta ay dowladda federaalku ku sameysay Shaqaalahaasi ayaa dhaqan-gali doonta 1-da bisha May,2020, sida lagu sheegay waraaqda war-gelinta aheyd ee loo kala direy shaqaalahaasi.

Mana cadda in sababta dhabta ah ee dowladdu ay Mushaharka uga joojisay shaqaalahaasi ay tahay saameynta Coronavirus, maadama ay ahaayeen shaqaale aan wax shaqo ah ka qaban jirin Madaarka Hargeysa oo iska qaadan jirey mushaharkooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this