Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Caafimaadka oo war cusub kasoo saartay xaaladda Coronavirus ee dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa caawa ka war-bixisay xaaladda bukaanadii uu horay u soo ritay cudurka Coronavirus, kuwaas oo ay qaar ka mid ah xaaladooda wanaagsan tahay halka qaarna ay ka deyrisay.

Wasiir Fowsiya ayaa sheegtay in laba kamid ah bukaannada uu ku dhacay xanuunka Coronavirus ay xaaladoodu aad u liidato ayna u baahanyihiin daryeel dheeraad ah.

Sidoo kale qaar ka mid ah bukaanada ayey sheegtay in lagu baxnaaninayo Isbitaalka Martini oo ah halka loo asteeyey in lagu dabiibo dadka uu soo rito cudurkaas.

Wasiirka caafimaadka Fowsiya Abiikar ayaa sidoo kale sheegtay in bukaarada qaar ay xaaladooda caafimaad soo fiicnaaneyso, isla markaana loo fasaxay in ay isku karaantiilaan guryahooda.

Waxay mar kale ku celisay walaacii ahaa in xanuunkan si tartiib-tartiib ah uu ugu sii faafayo bulshada Muqdisho, isla markaana dadka laga helay illaa hadda ay u badanyihiin, kuwo aan dalka ka bixin oo aan safar dibadda u aadin.

“Waa muhiim in la raaco fariimaha iyo talooyinka caafimad ay ay kamid ka yihiin, in guryaha  la joogo, in la kala fogaado oo labo mitir la’isu jirsado, In la joogteeyo fara-xalka iyo in la joojiyo salaanta gacan qaadka ah,” ayey tiri Fowsiya Abiikar.

Wasiirka oo sidoo kale ku talisay in si gaar ah xil la isaga saaro xanaaneynta dadka da’da ah iyo dadka qaba xanuunnada daaha.

“Waxaan ugu baaqayaa bulshada in qof kasta ee isku arka astaamaha lagu garto COVID-19 uu la xariiro lambarka gaaban ee 449 si loo siiyo talooyin caafimaad ama loo caawiyo”ayey tiri wasiirka caafimaadka Soomaaliya.”

Hoos ka daawo wasiirka caafiaadka

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this