Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin qorsheynayey shirqool culus oo caawa lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee ka howlgala magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa caawa gacanta ku soo dhigay, nin watay waxyaabaha qarxa, sida ay sheegeen saraakiishii hoggaamineysay howlagkaas.

Ciidamada ayaa ninkaas kusoo qabtay howgallo ay ka sameeyeen inta badan xaafadaha magaalada, waxaana la sheegay in durbadiiba laga helay xogta in uu qorsheynayey sidii magaalada uu kusoo gelin lahaa qarax u yiilay deegaan 30 KM u jira Dhuusamareeb, waa Bulacle.

Intaas kadib waxaa la sheegay in ninkaas loo qaaday halkii uu ugu keydsanaa qaraxaas oo aheyd deegaanka Bulacle oo dhaca inta u dhaxeysa magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Ciidamada Danab ee ka howlgala magaalada Dhuusamareeb ayaa ku guuleystay in ay soo qarxiyaan waxyaabihii u diyaarsanaa ninkaas, waxaana isagii lagu xiray saldhigga Dhuusamareeb.

Saraakiishu ma shaacin macaga ruuxan lagu soo qabtay falkaas, balse waxay sheegeen in laga soo diray degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud oo ay maamulaan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa sii xoojiyey baaritaanada dhanka ammaanka ah ee ka socday magaalada Dhuusamareeb, wixii ka dambeeyey markii la helay xogta ninkan lasoo qabtay, waxaana xaafadaha qaar ee magaalada loo baarayaa guri-guri.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this