Deeq A. Posted April 11, 2020 Wararka ka imaanaya gobolka Sanaaga ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta dagaal beeleed khasaare geystay uu ka dhacay qeybo ka mid ah gobolkaasi. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen labo maleeshiyo beeleed oo ku sugan deegaanka Waqdariya oo bari ka xiga degmada Laas-Qoray. Wararka ayaa sheegaya in labada beelood oo ka soo kala jeeda maamullada Somaliland iyo Puntland ay isku hayaan arrimo la xariira dhul-qaasimeed. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalka la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac. Dadka dhaawacmay oo u badan maleeshiyada dirirtay ayaa waxaa loo soo qaaday dhanka degmada Laas-Qoray ee gobolka Sanaag. Xaaladda ayaa hadda degan, balse waxaa weli goobihii lagu dagaalamay isku horfadhiya maleeshiyaadka labada dhinac. View the full article Share this post Link to post Share on other sites