Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo howlgallo ka sameysay Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa maanta howlgallo ballaaran ka sameeyey waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu baadi goobayey raggii ka dambeeyey dilkii loo geystay, Cismaan Xuseen Xaaji Ismaaciil (Farey) oo ahaa sarkaal ka tirsan hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya, laanteeda Puntland.

Saraakiisha horkaceysay howlgalladaan ayaa sheegay inay soo qab-qabteen tiro dad ah oo lagu tuhmayo dilkaasi, islamarkaana ay weli ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

Ammaanka Gaalkacyo, gaar ahaan qeybta Puntland ayaa maalmihii dambe faraha ka sii baxayey, waxaana ka dhacayey falal amaan dari oo u badan dilal qorsheysan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this