Deeq A. Posted April 11, 2020 Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya xayiraad dhinaca socdaalka ah oo saameyneysa dadweynaha iyo gaadiidka oo looga dhawaaqay qeybo ka mid ah gobolka waqooyi bari ee wadanka Kenya, si loo yareeyo faafitaanka cudurka Coronavirus. Taliyaha Booliska gobolkaasi, General Nicodemus Ndalana oo shir jaraa’id qabtay ayaa ku shaaciyey in xayiraada lagu soo rogay dhaq dhaqaaqa dadweynaha iyo gaadiidka. Sidoo kale taliyaha ayaa tilmaamay in xayiraadaasi ay ka dhaqan-geleyso deegaano dhaca xadka Kenya iyo Soomaaliya, taasina ay ka dambeyso cabsida laga qabo COVID-19. Si kastaba ha’ahaatee degmada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya oo dhacda xuduuda Kenya iyo Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay laga helay cudurkaan dilaaga ah, kadib markii baaritaan lagu sameeyey laba ruux oo walaalo ah laga helay cudurka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites