Sign in to follow this  
Deeq A.

Beelo Ku Dagaalamay Duleedka Kismaayo oo Heshiis Hordhac ah Gaaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Shir hor dhac u ah heshiis laga gaaro dagaaladii maalmahii la soo dhaafay ku dhexmarayay laba beelood oo walaala ah galbeedka magaalada Kismaayo ayaa dhinacyadii dagaalamay waxaa ay aqbaleen xabad joojin rasmi ah oo la dhexdhigay labadan beeloow.

Kulankan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay qaarkamid ah wax garadka beelaha gobolka, kuwaasi oo doonaya in heshiis laga gaaro colaada soo noqnoqatay ee ka dhex martay dadka reer guuraaga ah.

Kulanka  ayaa lagu go aamiyay in xiisada la qaboojiyo waxana lagu balamay  in heshiis xabad joojin ah ay wada saxiixaan wax garadka dhinacyadii dirirtu dhex martay si dhiig dambe uusan u daadaadan, sidaasi waxaa wada jir u gudoonsaday Suldaanada hogaanka u ah labadan beelood.

Beelahan ayaa dhawaan ku dagaalamay deegaanno dhaca galbeedka magaalada Kismaayo, dagaalada oo salka ku haya is-qabqabsi la xiriira tuulooyin iyo dhulka daaqsimeed ayaa horay dhowr mar xal laga gaaray, balse dib ayey usoo laba kacleeyeen.

1-5-1024x768.jpg

2-5.jpg

4-3.jpg

7-2.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this