Sign in to follow this  
Deeq A.

Caynte oo raali-gelin ka dalbaday W/Warfaafinta kadib warqad loogu ‘gefay’ gabdhaha Soomaaliyeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Ceynta ayaa wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ka dalbaday inay raali-gelin buuxda siiso gabdhaha Soomaaliyeed, kadib warqad gef ku ah oo kasoo baxday.

Warqaddan oo lagu xayeysiiyey shaqooyin ka banaan taleefishinka qaranka oo loo doonayo gabdho, ayaa lagu qoray shuruudo ay dad badan u arkeen takoor iyo aflagaado lagu sameeyey gabdhaha.

Shuruudaha lagu xiray shaqada ayaa waxaa ka mid ahaa; “inaysan ka weyneyn 25 jir, inay dherer ahaan, miisaan ahaan iyo muuqaalba leedahay qaab taleefishin, inay leedahay cod warbaahineed iyo hub-qaad wanaagsan”, sida qoraalka loo dhigay

Caynta oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook ayaa yiri “Wasaaradda Warfaafinta ayaa soo dhajisay 2 fursad shaqo oo gaar loogu qoondeeyay gabdhaha wariyayaasha ah. Balse shuruudaha lagu xiray ayaa fajac igu abuuray. In ka badan 12 sano ayaan wariye iyo tafatire kasoo ahaa warbaahinta caalamka kuwa ugu waaweyn. Waligeyna ma arag takoor, aflagaaddo iyo akhlaaq darro ka weyn middan!”

“Ka sokow inuu faquuqan kasoo horjeedo mabaadii’da aasaasiga ah ee dastuurkeenna, wuxuu kaloo gef weyn ku yahay Diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.”

Caynte ayaa ugu dambeyn yiri “Wasaaradda Warfaafinta waxaa la gudboon inay la noqoto iidhehdaan, maxaa yeelay waxaa kasoo uraya ujeeddooyin kale. Sidoo kale, waa inay raalli galin siiso gabdhaha Soomaaliyeed.”

Hoos ka arag warqadda

92997717_10157016228061516_5181117141922

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this