Deeq A. Posted April 11, 2020 War qoraal ah oo ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa faah faahin looga bixiyey duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe. Mareykanka ayaa sheegay in iyagoo kaashanaya ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya ay duqeyn la beegsadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa halkaasi. Sidoo kale Mareykanka ayaa qoraalkiisa ku sheegay in duqeyntaasi ay ku dileen hal sarkaal oo ka tirsanaa Al-Shabaab. Qoraalkaan ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerarkaasi dhanka cirka ah uusan wax khasaare ah ka soo gaarin dadka rayidka ah. Maalmihii la soo dhaafay Mareykanka ayaa sare u qaaday duqeymaha uu la beegsado Al-Shabaab ee uu ka fuliyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites