Sign in to follow this  
Deeq A.

Cisbitaalka Hargeysa Godkii Geeri Sugidda, Qormooyin Taxane Ah.

Recommended Posts

Deeq A.   

Cisbitaalka Hargeysa Godkii Geeri Sugidda Kawaankii Bini’aadmiga

Qormooyin Taxane Ah.

Qaybtii 1-aad.

Araar: Qoraalkaygani sinaba, marnaba, goornaba uma jeedo, kumana saabsana dan gaar ahna uma laha shakhsi, shakhsiyo, ashkhaas kala duwan, xukuumad, haayado, xubno dawladda ka tirsan, mana aha dhaliil si gaar ah, cid gaar ah goor gaar ah u bartilmaameedsanaysa eh, keliya waxaan doonaya inaan diiradda ku saaro galdaloolooyinka ka muuqda xaruntii ugu weynayd qarranka Somaliland caafimaadka, waa cisbitaalka guud ee caasimadda Somaliland Hargeysa.

Waxaan qoraalkayga uga dan leeyahay inaan tilmaan, toosin iyo sixitaan u u noqdo xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee madaxweyne Muuse Biixi Cabdi hogaamiyo, iyo xukuumad kasta oo mustaqbalka timaadda, maadama caafimaadku yahay laf dhabarta iyo nolosha koobaad ee bini’aadmiga.

Horudhac


Cisbitaalka guud ee caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa waxaa la aas-aasay sannadkii 1953-kii, todoba sannadood ka dib markii mustacmaraddii boqortooyada ingiriisku ay xorriyadda ku wareejisay dadka reer Somaliland.

Cisbitaalka guud ee Hargeysa wuxuu ka mid yahay taariikhda guunka ah ee dalka ingiriisku kaga tagay gaar ahaan Hargeysa guud ahaana Somaliland, cisbitaalka waxaa lagu aas-aasay inuu qaado afar boqol oo qof, waxaana loogu tallo gallay 400 oo sariirood.

Waagii ingiriisku dhidbaha u taagay cisbitaalka Hargeysa, magaalada Hargeysa waxaa ku noola dad tiradooda lagu qiyaasay inta u dhexeysa 50 kun oo qof ilaa 80 kun oo qof.

Dhibaatada caafimaad ee ugu badan ee waagaasi dadka reer Hargeysa ka haysata dhinaca caafimaadku waxay ahayd in hooyooyinka umulaya ay ku dhiman jireen umusha, ujeedada koobaad ee ingiriisku u dhisay cisbitaalkaasina waxay ahayd in goob caafimaad loo hello haweenka umulaya.

Markii Somaliland ay xornimadeeda dib ula soo noqotay, ee afar maalmood ka dib ay ku wareejisay xornimadii ay helleen wixii loo bixiyay (Midnimadii labada gobol ee Somaliland iyo Soomaaliya), cisbitaalka guud ee caasimadda Hargeysa wuxuu soo maray marxalado iyo jaran-jarooyin kala duwan.

Wakhtigii ugu adka, uguna duruufta adka cahdigaasi wuxuu ahaa sannadkii 1974-kii oo cisbitaalka guud ee Hargeysa la soo dhigay boqolaal qof oo ay ku dhaceen xanuuno nafaq darro sababtay, kana soo cararay abaartii Daba-dheer loo yaqaanay, waagaasi dawladii Kacaanka ee dhulkii Soomaaliya la isku odhan jiray ka talinaysay si badheedh ah ayey u dayacday cisbitaalka, waxaana ay sababtay dhimashada boqolaal qof oo gudaha cisbitaalka ugu dhinta nafaqo darro iyo xanuuno ay ka mid yahiin beer xanuun ama joonis (Hepatitis).

Wallow markii abaartaasi dhacday, cisbitaalka Hargeysa ay dawladdii kacaanku u dirtay dhakhaatiir ka tagay dhinaca goboladii Koonfurta loo yaqaanay, dawladdii Midawga Soviet oo marka Soomaaliya gacanta ugu weyn siin jirtayna ay dhigeen qallab kala duwan, haddana cisbitaalka Hargeysa, oo ahaa cisbitaalkii ugu taariikhda weyna gayiga afka Soomaaliga lagaga hadlo wuxuu ka dayac badna kana danbeeyey dhammaan cisbitaaladii koonfurta Soomaaliya ku yaallay.

Waana sababta sannadkii 1982-kii ay dhalinyaradii la baxday UFFO, oo iskugu jiray dhakhaatiir, macalimiin, dhaqalayahano iyo aqoonyahano kala duwani ay banaanbax uga sameeyeen magaalada Hargeysa, kaasi oo sababay in la xidh xidho laguna xukumo dil toogasho ah, waxyaabahii ugu waaweyna ee ay ka banaan-baxayeen dhalinyaradaasi qaarkoodna, isla markaana ay noloshooda ku waayeen waxaa ugu weyna dayacii ka muuqday cisbitaalka guud ee Hargeysa wakhtigaasi.

Sannadii 1981 kii waxaan ka mid ahaa caruurtii waagaasi ku dhalatay cisbitaalka guud ee caasimadda Hargeysa, cisbitaalka guud ee Hargeysa wuxuu igu leeyahay taariikhda ugu weyn noloshayda.

Cahdigii Ugu Dayac Xuma Cisbitaalka Hargeysa 1991 ilaa 2020

Sannadahii 1988 kii ilaa 1994 kii dalka waxaa ka dhacay dagaalo kala danbeeyey, ha ugu weynaado dagaalkii dawladdii Maxamed Siyaad Barre ay ku burburisay magaalooyinka Somaliland kuna xasuuqday shacabka iyo maatida Somaliland eh.

Wallow cisbitaalka guud uu soo maray dayac farabadan oo aanu gayin intii dawladdii kacaanku ka talinaysay Somaliland, haddana dayac ka weyn, ka fool xun, kana adag ma soo marin Cisbitaalka weyn ee Hargeysa intii Somaliland madax banaanideeda dib ula soo noqotay.

Cisbitaalka weyn ee Hargeysa wuxuu maanta xaaladiisu gaadhay heer uu noqdo hoygii ama godkii geerida lagu sugaayay, marka laga yimaado dayrka weyn ee ku teedsan gudahiisa waxaa ka muuqda dayac uu sababay musuq maasuq, maamul xumo, aqoon xumo dhinaca hawl-wadeenadda caafimaadka ee ka shaqeeya ah, waxaana ay badiba shacabka Somaliland u yaqaanan (Kawaanka geerida), oo ay uga jeedaan, haddaad doonayso in lagugu tababarto ama shaqaalaha ka shaqaynaya ay ka dhigtaan sida aalad lagu tababaranayo oo kale ayuunbad cisbitaalka Hargeysa u tagaysa.

Waxaan ka soo uruuriyay dhawr sheeko oo qofkii dhugta, akhrista isla markaana arka uu qalbigiisa xanuun ku beerayo.

Sheekooyinka qaarkood aniga qayb ka mid ah markhaatiyo uga ahaa, qaarkoodna waxaa iiga sheekeeyey dad ay ku dhacday.

Waxaan doonaya inaan mid ka mid ah idinla wadaago.

Sheekada 1-aad Sannadkii 2019 iyo Askarigii xabaddu ku dhacday.


Mid ka mid ah askarta ciidamadda Somaliland ka tirsan ayaa dhawaan wuxuu iigu waramay khadka telefoonka, wuxuu iga codsaday inaan magaciisa qariyo sababo ammaankiisa iyo shaqadiisa la xidhiidha darteed.

Wuxuu ii sheegay askarigaasi inuu dhaawac ka soo gaadhay lugta isagoo ku jira hawl shaqo magaalada Hargeysa, waxaana ay xabadi kaga dhacday lugta midig, waxaana loo qaaday cisbitaalka guud ee Hargeysa.

Wuxuu ii sheegay askarigaasi, in uu muddo laba saacadood ah markii cisbitaalka la geeyay goor casar ah, dhiiguna ka qulqulaayay lugtiisa, uu waayay cid dhiig joojin u samaysa, wuxuu ii sheegay askarigaasi in dhiigii ka qulqulaayay darteed goobtii uu fadhiyay la moodaayay sida neef xoolo ah oo lagu gawracay, wuxuu ii sheegay in markii danbe dhakhtar u yimid lana geeyay qolka qalliinka deg deg ah.

Wuxuu ii sheegay askarigaasi in dhakhtarka qalliinka samaynaayay uu u sheegay inuu yahay qofkii ugu horeeyey ee uu noloshiisa qallo, dhawaana uu ka soo qallin jabiyay jaamacadda Hargeysa.

Askarigaasi wuxuu ii sheegay in markii la qallay, ay lugtigiisu samaysay barar, bararkaasi oo ku fiday kor ilaa hoos lugtiisa, isla markaana saameeyey ilaa xiniinyahu halku ka gaadho.

Wuxuu khadka telefoonka iigu sheegay askarigaasi, in dhawr maalmood ka dib jidhkiisii uu barar saameeyey, isla markaana ay qoyskiisu go’aansadeen in loo qaado magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, iyagoo gacan dhaqaale ka hellay xukuumadda Somaliland.

Askarigaasi wuxuu ii sheegay in markii Addis Ababa la geeyay ee dhakhtar la dhigay, sawirkii ugu horeeyey ee lugtiisa laga qaaday uu soo saaray in xabadii lagu dhuftay oo ku jirta uu dhakhtarkii yara ee cisbitaalka Hargeysa ku dul tolay bartii nabarka xabadu kaga dhacday., taasina keentay caabuq (Infection) saameeyey lugtiisa.

Wuxuu askarigaasi ii sheegay in lugtiisii gaadhay heer ay qudhuntay, dhakhaatiirtii cisbitaalka Addis Ababa ay u sheegeen xalka keliya inuu yahay in lugta la jaro qayb ka mid ah.

Wuxuu dhakhtarkaasi ii sheegay inuu hadda ku noolyahay nolol curyaanimo ah, oo uu sababay dhakhtarkii cisbitaalka Hargeysa, wuxuuna ii sheegay nasiib darrada ka sii xun inay tahay in weli dhakhtarkaasi ka sii shaqeeyo cisbitaalka Hargeysa maanta, isla markaana uu waayay si uu dacweeyo.

Qaybta 2-aad haddii alla idmo, waxaan ku soo qaadan doona dhacdo labaad oo xanuun badan, waa qof qaba xanuunka kansarka dhiiga (Leukaemia, or blood cancer) oo cisbitaalka weyn ee Hargeysa u sheegay inuu qabo macaan, isla markaana aan kula kulmay magaalda Delhi ee dalka India sannadkii 2019 kii , oo laga waayay macaankii, lagana hellay kansarka dhiiga.

Qaybaha xiga waxaan sidoo kale ku soo qaadi doona musuq maasuqa xadka ka baxay iyo maamul xumada hadhaysay waaxda xanuunka HIV/AIDS u qaabilsan cisbitaalka Hargeysa.

La Soco Qaybta Xigta

Xigasho

Sawirka hoos ka muuqda waxaan ka soo xigtay barta Gety images waana waadhka ama qaybta dadka a dhimirka ka xanuunsanaya loogu tallo gallay oo aan qaybaha danbe idiinka warbixin doono.

Waxaa qoray Mohammed Abdi Hassan Diridhaba

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this