Sign in to follow this  
Deeq A.

​Faafidda Cudurka corona,Calaamadihiisa inta laga og yahay ilaa hadda ,ka hortagga iyo La tacaalidda qofka uu haleelo.

Recommended Posts

Deeq A.   

​Faafidda Cudurka corona,Calaamadihiisa inta laga og yahay ilaa hadda ,ka hortagga iyo La tacaalidda qofka uu haleelo.

Cudurka dilaaga ah ee dunida ku habsaday, macluumaadkiisa waa lasoo kordhinayaa (ogaansho cusub), xogaha ugu badan waxaa laga helay cilmibaadhisaha kala duwan ee la sameeyey,iyo dadkii uu haleeyey oo wax badan iftiimiyey. aqoonta cudurkan weli wax badan lagama oga,meel uu ku dambayn doonana Allaahu aclam,waxaa lagu jiraa dadaal badan ilaa iyo hadana rajo yar ayaa la qabaa,waxaa muhiima in dadaalka iyo taxadirka la badiyo ducadana la laasimo.

Xaqiiqda marka laga hadlayo cudurkani waa Ciqaab iyo cajsi gelin. Aadanuhu mar kasta oo uu kibro oo wax is moodo waxaa la tusaa itaalkiisa si uu u garto in awood ka sarraysaa jirto oo uu isu dhul dhigo una toobad keeno,ayaad fara badan ayaa Rabbi ku xusay,umadihii inaga horeeyey mid kastaaba markay kibirto waxaa lagu qaban jiray nooc ama noocyo badan oo ciqaaba,kuwa kusii adkastana waa la halaagi jiray,Reer Caad xoog ayey is bideen waxaa lagu halaagay dabayl dhulka la dhacday,xoogoodii hawada la neefsanayo ayaa baabah ka dhigtay,qoladii ka dambaysay oo xarfaanta ku ahayd farsamada waxay isku dayeen inay ka taxadiraan dabayshii saaxiibadooda heshay, dhagxaanta buuraha ayey xordi jireen oo dhufaysyo iyo aqalo aan dabayshu geli karin ka dhigeen,iyagana qaylo daran ayaa lagu furay oo lagu halaagay ,kuwo kale dagaalo,abaaro, xanuuno,duufaano,noolayaan, dhulko oo lala jaro iyo wax yaabo kaloo badan ayaa lagu halaagay,intani waa hordhac aan uga jeedo in aan fahano xaggee laynooga yihi.

Faafidda cudurkan waxaa ilaa iyo hadda loga ogaaday in uu ku faafayo qufaca iyo hindhisada oo weliba dhawr mitir soconayo oo hawada dabaalano ama dhulka u dhacayo oo weliba muddo ku noolaanayo,(12.saac) waxaa kalo uu ku gudbi karaa taabashada shay uu taabatay qof cudurka qaba,dabdeed cid kasta oo taabata wuu raacayaa haday afka iyo sanka ama indhaha gaadhsiiyaana waa is deberayaa wixii dambe cunaha ayuu fadhisanayaa muddo,sambabada ayuu u gudbayaa qufac ayuu keenayaa intaa wixii ka dabeeya naqaska ayaa qofka ku yaraanaya,wadna xanuun ayuu keenayaa,calaamadihiisa waxaa ka mida xummad dadka qaar qabata,urta iyo dhadhanka oo ka taga qofka,xamaag isu bedesha qufac,shuban iyo matagna waa la heegay.

Dhayalsiga cudurkan dawlado badan ayaa ku dagmay oo ku qoslayey china marku dhex jibaaxayey,laakiin markii uu ka dhex toosay ee weliba muddo ku dhex jiray oo dadkii soo daateen ayaa qayladu isu baxday,Somaalidu waa dadka ugu dhegaha adag bulshooyinka,taxadir badana ma sameeyaan, wadamada ,Sweden,Norwey iyo uk, safka hore ayey kaga jiraan dhimashada,waxaa inala gudboon in taxadarka la badiyo oo la qaato tilmaahaha la bixinayo faraxalku ugu horreeyo,faraha markaad maydho qasabada ama kildhiga halkaad taabatay si xeeladaysan u maydh,haddii kale waad isku cel-celisay uun, waxaa iyana loo baahan yahay kala fogaanka (keeping distance) qofkii cidla ama miyi tegi karaya sidii uu sheegay Dr. gaboose waa wax fiican.qofkii qol gooni ah heli karaya yaan cid kale u soo gelin ,cuntada qof qof haloo qaato hana loo cuno,wixii qalab la xidhan karo iyana waa muhiin.

Hadaad iska shakidid talaabadda kowaad waa inaad dadka kale iska basrisid (kala fogansho),iska ilaali dawooyinka xanuun baabi’iyaha marka laga reebo paracetemol(4 saac mar laq/cab),isticmaalka dhirta dabiiciga ah ayaa waxtar weyn laga dareemay iyagana waa inaad si qiyaasa u isticmaashid,qaarkood haddii la isku badiyo waa halis,cid taqaana la tasho mar kasta,qolyaha acshaabta bartay waa la weydiin karaa, haddii aqoontooda la hubo.
Biyaha iyo dareerayaasha la cabbi karo wax weyn ayey ka taraan la tacaalidda xanuunkan,wer-wer iyo naxdin iska ilaali culays bay keeni kartaa,gaajadana iska ilaali.
Haddii qofku kasoo daro waa inuu la xidhiidho meeshii ugu dhow hospital.

by Adan Nokia

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this