Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uul ka tirsan HirShabelle oo laga helay Covid-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (SMN) – Mas’uul ka tirsan dowlad goboleedka HirShabelle ayaa laga helay fayruska Corona, sidda ay xaqiijiyeen xubno kala duwan.

Khaliif Muumin Tooxow ayaa ah wasiiru dowlaha cadaaladda iyo mudane ka tirsan baarlamaanka maamulkaas.

Tooxow ayaa la sheegay in uu haatan ku jiro Isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaala magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Tani ayaa ka dhigan in tirada kiiska ay gaartay 13, kuwaas oo laba kamid ah ay ajaaniib u shaqeysa Qaramada Midoobay yihiin.

Shaacinta kiiskaan cusub ayaa walaaca iyo walbahaarka kusii kordhineysa dadweynaha, oo loogu baaqay in ay u hogaan-samaan talooyinka caafimaad.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this