Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir ka tirsan Hirshabeelle oo laga helay Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   
Wasiir-bukaanka.jpg?w=1000&ssl=1

Dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa shaaciyay in wasiiru-dowlaha Cadaaladda Hirshabeelle laga helay cudurka Coronavirus kadib baaritaan lagu sameeyay.

Wasiirka xanuunka laga helay oo sidoo kale ka tirsan Baarlamanka Hirshabeelle ayaa magaciisa lagu sheegay  Khaliif Muumin Tooxow sida laga soo xigtay Wasiirka Warfaafinta dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed.

Wasiirka Warfaafinta Hirshabeelle ayaa sidoo kale laga soo xigtay in kadib baaritaan lagu sameeyay bukaanka oo haatan natiijadiisu soo baxday lagu  xaqiijiyay in Wasiiru-dowle Khaliif Muumin Tooxow uu haleelay COVID-19.

Wasiirka cudurka laga helay ayaa mudda ku xanuunsanaa hotel ku yaalla magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle taasi oo abuurtay walaac la xiriira in cudurkaas uu ku faafo magaalada Jowhar.

PUNTLAND POST


The post Wasiir ka tirsan Hirshabeelle oo laga helay Coronavirus appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this