Sign in to follow this  
Deeq A.

Bandow maalinimo oo ka dhaqan-galay Muqdisho Coronavirus awgiis

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Muqdisho waxa maanta ka dhaqan-galay ay bandow maalinimo oo dowladdu ku soo rogtay gadiidka dadweynaha sida gawaarida Caasiga iyo mooto Bajaajka waxaa sidoo kale la xiray goobaha ganacsiga qaar kood.

Go’aankaas ayaa dowladda Soomaaliya sheegtay in loo qaatay si looga gaashaanto cudurka Coronavirus oo kiisas dhawr ah laga helay gudaha magaalada Muqdisho.

Goobaha Ganacsiga ee la xiray waxaa ka mid wadada maka’al mukarama oo ah halka ay ku yaalan goobaha ganacsiga iyo sidoo kale meelaha dadweynaha ay isugu yimaadaan.

Waxaa haatan cabsi laga  muujinayaa faafidda xanuunka COVID-19 iyadoo hal ruux uu dhawaan ugu geeriyooday gudaha dalka sidoo kalena laga helay sargaal ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka.

Guud ahaan dalka waxaa ilaa iyo haatan laga diwaan geliyay 12 kiis oo ah Cudurka Coronavirus oo loo yaqaano Covid-19.

PUNTLAND POST

The post Bandow maalinimo oo ka dhaqan-galay Muqdisho Coronavirus awgiis appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this