Deeq A. Posted April 10, 2020 Muqdisho (SMN) – Ismaaciil Macalin Muuse, gudoomiyaha guddiga dib-u-heshiisiinta Qaranka oo ka qeybgalayey barnaamijka Dooda Jimcaha ee ka baxa Shabelle, ayaa wuxuu si kulul u cambaareeyay dagaal-beeleedyo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey qeybo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya. Gudoomiyaha ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay kasoo daaleen dagaal beeleedyadda isla markaana gacan ka hadal ka hadalka ay ka wanaagsan tahay in la wadahadalo, isagoo sheegay in wax-garadka, dhaqanka Soomaaliyeed iyo shacabka ay ka walwalsan yihiin saameynta colaadaha u dhaxeeya dad uu tilmaamay in ay u dhaxeyso xiriir dhaqan iyo mid wada-dhalasho. Dhinaca kale, nabadoon Cali Aadan Nuur, oo isaguna qeyb ka ahaa barnaamijka Dooda Jimcaha Shabelle, ayaa ku dhaliilay Dowladda federaalka Soomaaliya in ay ka gaabisay doorkii ay ku lahayd xalinta colaad beeleedyadda. Prof Maxamed Cumar Dalxa, oo kamid ah mudaneyaasha Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa dowladda federaalka ah ku booriyey in xalka dagaal beeleedyadda ay ka qeyb-geliso dada ku haboon si loo sameeyo dib-u-heshiisiin dhab ah, isagoo si gaar ah ugu baaqay dowladda in muhiimada koowaad ay siiso dadka degaanka. Hadalheynta ugu badan ee Soomaaliya ayaa noqotay dagaal beeleedyo walwal badan ku abuuray bulshadda Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ka dhasheen natiijooyin ay wanaagsaneyn sidda; gubid iyo gowrac sii kala fogeynaya beelaha walaalaha ah, iyaddoo sidoo kale ay jiraan qoysas ku barakacay dagaaladaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites