Deeq A. Posted April 10, 2020 Muqdisho (SMN) – Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa albaabada u laabay qaar kamid ah Masaajida iyo Xarumaha Ganacsiga ee Muqdisho. Masaajida illaa iyo haatan la xiray ayaa lagu waramay in ay ku yaalaan degmooyinka; Warta Nabada, Waaberi iyo Xamar-wayne. Ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa, balse waxaa lagu sheegay in ay la xiriirto ka hortagga faafitaanka Coronavirus. Nabadoon Warsame Jaamac, oo degan Warta Nabada una waramay Shabelle, ayaa xaqiijiyey in xiritaanka Masaajida uu ahaa amar dowladeed. Talaabadaan ayaa kusoo aadeysa xili kiisaska Covid-19 ee caasimadda ay gaareen 12 isla markaana lagu waramay in ay dad badan u geeriyoodeen. View the full article Share this post Link to post Share on other sites