Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad lagu soo qabtay howlgalo la sameeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (SMN) – Tirro dad ah ayaa lagu waramay in lagu soo qabtay howlgalo ay ciidamadda booliska ka sameeyeen magaalada Jowhar.

Taliska Bileyska ayaa ka gaabsaday in uu fahfaahin ka bixiyo tirada dadka ay soo qabteen iyo waxay ay ka yeelayaan.

Balse, macluumaadyo horudhac ah ayaa qeexaya in ay marayaan baaritaano, ciddii wax lagu waayana lasii deyn doono.

Howlgalkaan ayaa ka dambeeyay markii bam-gacmeed lagu weeraray Hotel Safa oo ku yaala waqoyga caasimada HirShabelle.

Ismaaciil Warsame, gudoomiye ku xigeenka maaliyada Jowhar, ayaa ku dhaawacmay falkaas, oo aysan jirin koox sheegatay.

Magaalada Jowhar ayaa todobaadyaddii u dambeeyay martigelisay qaraxyo sababa waxyeelo inta badan soo gaara dadka shacabka ah ee halkaas ku nool.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this