Deeq A. Posted April 10, 2020 Jowhar (SMN) – Tirro dad ah ayaa lagu waramay in lagu soo qabtay howlgalo ay ciidamadda booliska ka sameeyeen magaalada Jowhar. Taliska Bileyska ayaa ka gaabsaday in uu fahfaahin ka bixiyo tirada dadka ay soo qabteen iyo waxay ay ka yeelayaan. Balse, macluumaadyo horudhac ah ayaa qeexaya in ay marayaan baaritaano, ciddii wax lagu waayana lasii deyn doono. Howlgalkaan ayaa ka dambeeyay markii bam-gacmeed lagu weeraray Hotel Safa oo ku yaala waqoyga caasimada HirShabelle. Ismaaciil Warsame, gudoomiye ku xigeenka maaliyada Jowhar, ayaa ku dhaawacmay falkaas, oo aysan jirin koox sheegatay. Magaalada Jowhar ayaa todobaadyaddii u dambeeyay martigelisay qaraxyo sababa waxyeelo inta badan soo gaara dadka shacabka ah ee halkaas ku nool. View the full article Share this post Link to post Share on other sites