Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax lagu weeraray hotel ku yaala magaalada Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (SMN) – Fahfaahino ayaa kasoo baxaya qarax xalay lagu weeraray Safa Hotel, oo ku yaala waqoyga caasimada HirShabelle ee Jowhar.

Ugu yaraan hal qof ayaa la xaqiijiyey in uu ku dhaawacmay weerarka oo ka dhashay bam-gacmeed, sidda ay sheegeen illo wareedyo.

 

Qofka dhaawacmay ayaa lagu sheegay Ismaaciil Warsame Faarax, gudoomiye ku xigeenka dhanka maaliyadda degmadda Jowhar.

Goobjoogeyaal ayaa xaqiijiyey in aysan jirin waxyeelo kale oo ka dhashay dhacdadaas, oo laamaha ammaanka aysan wali ka hadlin.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii qarax Miino oo ka dhacday maqaaxi ay fariistaan madaxda HirShabelle ay ka dhasheen khasaaro.

Inta badan dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa sheegta falalka noocaan ah ee laga soo wariyo degaanada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Sawirro hoteelka la weeraray

Image may contain: outdoorImage may contain: one or more people and outdoor

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this