Deeq A. Posted April 10, 2020 Muqdisho (SMN) – Meydka wada bajaajle ah ayaa saakay lagu arkay wadada u dhexeysa isgoysyadda Soobe iyo Danwadaagaha, iyadoo ay si weyn uga argagexeen dadkii goobta soo gaaray. Inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijinin sababta ka dambeesay geerida wadaha bajaajla ahaa ayaa hadana wararka qaar waxa ay sheegayaan in lagu dilay toorey ama mindi. Ciidamada amaanka ayaa gaaray goobta lagu arkay meydka, kuwaasi oo baaritaan ka sameeyay agagaarkaas. Ma jirto wax war ah oo illaa iyo haatan ay hay’addaha nabad-gelyadda kasoo saareen dhacdadaas. Ma ahan markii ugu horeysay oo meyd lagu arko qeybo kamid ah magaala madaxda dalka ee Muqdisho. Beegsiga Bajaajleyda waxaa looga bartay Ciidamadda Dowladda marka ay murmaan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites