Deeq A. Posted April 10, 2020 Muqdisho (SMN) – Mar warbaahinta Shabelle ay wax ka waydiisay wasiir ku xigeenka wasaarada Soomaaliya, Maxamed Saciid, jiritaanka qof labaad oo u dhintay Coronavirus, wuxuu adkeeyay suurtagalnimadda, balse ma uusan xaqiijin. Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu caddeeyay in aysan baarin qofka la tilmaamay in uu ku geeriyooday Muqdisho, sidaas darteedna aysan hubin. Dhanka kale, awooda uu Isbitaalka Martiini oo loo asteeyay goobta karantiilka u leeyahay in uu qaabilo bukaano badan ayuu qiray in ay hooseyso. Dadweynaha ayuu ku waaniyey in ay raacaan dhamaan tilmaamaha caafimaad ee ay kaga badbaadi karaan fayruska safmareenka ah. Bukaan jiifay mid kamid ah isbitaalada ku yaala Muqdisho kaas oo looga shakiyay caabuqa Covid-19 ayaa la geeyay isbitaal Martiini taasi oo lasheegay in wasaarada caafimaadka ay awood buuxda u yeelan weysay in ay ku xirto oksijiin kadibna dib loogu soo celiyay Isbitaalka, kadibna uu dhintay. Wasaarada caafimaadka xukuumada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay u shaacisay in xanuunka Covid 19 uu bilaabay inuu ku dhex-faafo bulshada dhexdeeda maadaama sida ay sheegtay wasaarada laga helay dad degan gudaha magaalada oo aanan dibada u safrin. View the full article Share this post Link to post Share on other sites