Sign in to follow this  
Deeq A.

Koonfur Galbeed oo soo saartay amaro horleh

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (SMN) – Maamulka Koonfur Galbeed ee uu hogaamiyo madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa amar horleh kasoo saarey Coronavirus.

Amarada ayaa si gaar ah quseeya dhanka iibinta Qaadka oo magaalooyin ay kamid tahay Baydhabo si furan loogu kala iibsado.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedkaas ayaa sheegay in wixii haatan ka dambeeya aysan u dulqaadan doonin dadkaas.

Saraakiisha ayaa caddeeyay in la gubi doono Qaadkii la qabta. Waxay raaciyeen la ganaaxi doono ganacsatadii lagu soo xiro.

“Sababtoo ah waa jebinta amar dowladeed maadaama la joojiyey duulimaadyada iyo Qaadka,” ayay hoosta ka xariiqeen.

Hadalkaan ayaa kusoo aadaya xili ay jiraan warar sheegaya in Qaadka uu Baydhabo kasoo galo dhanka Itoobiya iyo maamul goboleedka Judbaland.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this