Sign in to follow this  
Deeq A.

Nabadoon caan ah oo toogasho lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wanlaweyn (SMN) – Dabley ayaa lagu waramay in ay degaanka Yaaq-bira-wayne ee gobolka Shabeellaha Hoose ay ku dileen “nin nabadoon ahaa”.

Marxuumka ayaa magaciisa lagu sheegay Ciise Fara-cadde Diiriye. Wuxuu caan ka ahaa degaanada gobolkaas.

Ma cadda sababta loo beegsaday iyo cidda xaqiiqo ahaan ka dambeysa toogashadda lagula kacay ee noloshiisa lagu dhaafiyey.

Hase ahaatee, xubin ka tirsan ehelkiisa oo u waramay Shabelle ayaa tilmaamay in ay dileen garab kamid ah maleeyshiyaadka isku haya Wanlaweyn.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu tilmaamay in nabadoonka uusan wax lug ah ku lahayn isku dhacyadda qabaa’ilka ee ka jira degmadaas.

Wareysiga gaarka ah ee Radio Shabelle uu siiyey ayuu cod dheer ku soo jeediyey in ay cadaalad u helaan qofkaas qoyskooda ka tirsanaa.

Ku dhowaad 20 qof oo shacab u badan ayaa ku geeriyooday dagaal beeleedka ka dhacay Wanlaweyn, iyaddoo la baadigoobayo dhinacyada ku lugta lahaa.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this