Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo xaqiijisay in uu dhaqan-geli waayay amarkii ay ku xirtay xuduudka Somaliland iyo Ethiopia

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Warfaafinta Puntland Cali Xassan Axmed Sabareey,  oo xalay Saxaafadda u akhriyay warbixinta guddiga Puntland u qaabilsan ka hortagga cudurka Coronavirus, ayaa xaqiijiyay in uu dhaqan-geli waayay amarkii dowladda Puntland ku xirtay xuduudka dhanka Somaliland iyo Ethiopia.

Wasiirka ayaa sheegay in laamiga dheer ee isku xira degaannada Puntland iyo Somaliland uu si caadiya u furanyahay, islamarkaana gaadiidka kala duwan ay maalinle u maraan, taasina uu isagu indhihiisa ku soo arkay kadib socdaal uu dhowaan ku tegay degaanno ka tirsan gobolka Sool.

Mudane Sabareey, ayaa ku baaqay in Puntland ay ciidamo gaar ah u samayso, dhaqan-gelinta bandowgii lagu soo rogay xuduudka dhanka Somaliland, maadaama uu socon waayay amarkii hore ee lagu xiray isu-socodka labada dhinac.

Warar soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya, in xuduudka Puntland la wadaagto dhanka Ethiopia uu isna weli furanyahay  oo uusan ka dhaqan-gelin amarkii xukuumadda Puntland ku xirtay xuduudka, si looga hortago faafidda COVID-19.

Gaadiidka noocyadiisa kala duwan, oo ka yimaada degmada Gallaadi ee gobolka Doollo ee dowlad degaanka Somaalida DDS, ayaa sida la sheegayo maalmihii u dambeeyay ka soo gudbayay xuduudka dhanka degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo xaqiijisay in uu dhaqan-geli waayay amarkii ay ku xirtay xuduudka Somaliland iyo Ethiopia appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this