Sign in to follow this  
Deeq A.

Tacsi Madaxweyne oo ku socota….

Recommended Posts

Deeq A.   

TACSI MADAXWEYNE: 09/04/2020
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

tacsi-300x136.png

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, labada gole ee guurtida iyo wakiilaa Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Nuur Rayaale Khayre oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 09/04/2020, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday qaran oo ka baxay dalka iyo dadka kaalin muglehna ka soo qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland, waxaanu ka mid ahaa xildhibaanadii lagu aas aasay guurtida Somaliland oo uu ilaa hadda ka tirsanaa Marxuumku.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, labada gole ee guurtida iyo wakiilaa Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this