Deeq A. Posted April 10, 2020 TACSI MADAXWEYNE: 09/04/2020 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, labada gole ee guurtida iyo wakiilaa Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Nuur Rayaale Khayre oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 09/04/2020, Caasimada Somaliland ee Hargeysa. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday qaran oo ka baxay dalka iyo dadka kaalin muglehna ka soo qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland, waxaanu ka mid ahaa xildhibaanadii lagu aas aasay guurtida Somaliland oo uu ilaa hadda ka tirsanaa Marxuumku. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, labada gole ee guurtida iyo wakiilaa Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Qaran News Share this post Link to post Share on other sites