Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Ka Tirsanaa Golaha Guurtida Somaliland Oo Maanta Hargeysa Ku Geeriyooday.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)- Alle ha u naxariistee waxa maanta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa, Marxuum Nuur Rayaale Khayre oo ka mid ahaa Xildhibaannada Golaha Guurtidda JSL, kaasi oo muddo shan maalmood ah u jiifay xannuun ku soo booday Cisbitaalka Royal ee caasimadda Hargeysa.

Alle ha u naxariistee Xildhibaan Nuur Rayaale Khayre waxa uu ka mid ahaa Xildhibaannada waayo-aragga ah ee Golaha Guurtidda, waxaanu golaha ku soo biiray sannadkii 1993kii. Muddaas dheerna wuxuu ahaa xildhibaannada kaalinta weyn ka soo qaatay nabadeyntii iyo dib u dhiskii dalka.

Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskiisii, ehelkii iyo Golaha Guurtidda ee uu ka baxay Marxuum- Nuur Rayaale Khayre oo ILAAHAY uga baryey inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoyskiisii iyo ummadda reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.

Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtidda Somaliland Garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi ayaa Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA u xaqiijiyey in Marxuum-Nuur Rayaale Khayre maanta lagu aasayo magaalada Boorame ee xarunta Gobolka Awdal.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this